Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan lagu xiray magaalada Kismaayo oo War Cad soo saartay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha uu kasoo jeedo xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir) oo xasaanad laga qaaday laguna xiray magaalada Kismaayo ayaa war kasoo saartay xarigiisa.

Qoraalka oo uu soo diray guddoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida Reer Isaaq ayaa lagu sheegay in xariga xildhibaanka uu yahay sharci darro, wuxuuna dalbaaay in si degdeg loo sii daayo xildhibaanka lagu xadgudbay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Wuxuu cadaynayaa in xariga xildhibaan Ahmed Taajir lagula kacay uusan sharci ahayn, isla markaana uu xad gudub ku yahay shaqsiyan iyo beesha Reer Isaaq oo uu xildhibaanku u matalo Jubaland.

Goluhu wuxuu xaaraantinimeynayaa, cambaareynayaana dhamaan habkii loo maray, ficilkii iyo weliba qaabkii loo maareeyey in lagu fuliyo xasaanad ka qaadida iyo xariga xildhibaanka lagula kacayba, ilaa hadana uu ku muteystay.

Goluhu wuxuu u arkaa, aaminsan yaheyna in xariga Xildhibaan Ahmed Taajir uu yahay XARIG LA XIREY REER ISAAQ oo uu xildhibaanku u matalo Jubaland.

Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa go’aamadii xilkasnimada lahaa ee ay durbaba ugaga jawaabeen kana qaateen mowqifkooda ku aadan ficilka iyo xariga lagula kacay xildhibaan Ahmed Taajir siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee reer Jubaland ee soo matalay heer wasiir Dowlada Federaal Somaliya Mudane Abdullahi Hersi Ciilmooge iyo Guled Kassim oo bayaan iyo fariinba kusoo gudbiyey dareenkooda.

Goluhu wuxuu sidoo kale codsanayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo daayo Xildhabaan Ahmed Taajir, xoriyadiisii iyo shaqadiisiina si xor ah loogu soo celiyo una qabsado iyadoo shuruud la’aan ah.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Jubaland gaar ahaan beesha Reer Isaaq inay illaaliyaan xasiloonida, kana fogaadeen wax allaale wixii keeni kara kala fogaansho iyo shaki soo kala dhex gala beelaha walaalaha ah ee dega Jubaland.

Guul iyo Gobonimo Jubaland

Abdi Jama A. Kassim

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Reer Isaaq