Daawo: Wasiir ka tirsanaa xukuumadii Kheyre oo arrimo badan shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ee xukuumadii Kheyre ayaa markii u horeysay ka warbixiyey arrimihii loo cuskaday xil ka qaadistiisi, xili uu ku gudo jiray imtixaanadkii shahaadigii ahaa ee dalka.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa 26-kii July ee sanadka 2018-kii uu ra’iisal wasaare Kheyre si lama filaan ah xilka uga qaaday, sida xiligaasi lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Inkasta oo si cad loogu sheegin wareegtadii xilka looga qaaday sababtii ka dambeysay inuu xilkaasi waayo, ayaa waxa markii u horeysay shaaciyay Cabdiraxmaan Daahir oo u waramayey barnaamijka Gorfeynta ee telefishanka RTN Somali.

Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in markii xilka laga qaadayey ay taagnaayeen xiisado horseeday in uu xilka waayo, kuwaasi oo lagu fudeydinayay culeysyadii waqtigaasi jiray, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuuna xusay in Kheyre uu xil ka qaadistiisa u adeegsaday inuu iskaga dejinayey culeys siyaasadeed, kaasi oo la fahamsan yahay inuu xiligaasi ka saarna dhanka baarlamaanka, inkasta oo uu si faah-faahsan uga hadlin.

Xilka qaadista Cismaan ayaa waxa kale oo ka madhneyn dagaal uu xiligii wasiirka ahaa uu la galay Jaamacadaha dalka, isagoona sheegay inaysan wasaaradiisu si rasmi ah u aqoonsaneyn.

Kheyre ayaa xiligaasi xilka uu ka qaaday Cabdiraxmaan u magacaabay Godax Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, taasi oo la aaminsan yahay inuu ku kordhinayey tirada golahiisa ee ku jiray xukuumadiisa, si uu hoos uga dhaco cadaadisyada uga imanaaya.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegay in madaxda sarre ee dowladda federaalku ay si deg-deg ah ku gaaran go’aamada masiiriga ah, kuwaasi oo ku raali-gelinaya shaqsiyaad u dhow iyo fulinta dano kale oo siyaasadeed.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili dhawaan xilkii laga qaaday ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii Villa Somalia usoo dhex-martay saaxiibadiisi ugu badnaa golaha shacabka, taasi oo salka ku haysa khilaafka doorashada.