Sawirro: Qatar oo faah-faahisay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho waxa uu galabta ku qaabilay safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Danjire Xasan Bin Xamza Asad Maxamed.

Madaxweyne Waare waxa uu safiirka kala hadlay arrimo dhowr oo u badan mashaariicda hor-marineed ee dalka dib loogu dhisayo, si gaar ah wadada xariirisa Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Dowladda Qatar ayaa sanad ka hor balan qaaday inay dhiseyso wadooyinka xariiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Inkastoo aan weli wax dhisme ah lagu bilaabin wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar, halka uu dhismuhu ku socdo tan aada Afgooye.

Safiirka ayaa Madaxweyne Waare faah-faahin ka siiyey fulinta iyo sida loo qorsheeyey dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ay dhiseyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, halka dowladda Qatar ay bixineyso kharashka lagu dhisayo.

Safiirku waxa uu u sheegay madaxweynaha inay ka go’antahay dar-dargelinta mashruucaas lagu dhisayo wadada aada Jowhar, sidoo kale waxa uu faahfaahin ka siiyey dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dib u bilaawday.

Madaxweyne Waare ayaa safiirka uga mahad-celiyey mashaariicaha hormarineed ee dowladda Qatar ka fulineyso dalka, iyagoo kulankooda uga wadahadlay sidii fursadaha ka jira ee deegaanada Hir-Shabeelle ay u maal-gashan laheyd dowladda Qatar dadka reer Hir-Shabeelle-n ay uga faa’iideysan lahaayeen.

Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadkii hore soo gaaray Muqdisho, waxuuna xalay kula kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka, sida Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed.