Daawo: Wiil iyo aabihiis oo ku dhintay Caabudwaaq kadib markii maanta uu…

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay bartamaha degmada Caabudwaaq kaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dabka ayaa ka dhashay booyad nafta ku shubeysay kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, waxaana gubtay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan ay ku dhinteen wiil iyo aabihiis, halka ay siddeed qof oo kalena ay waxyeelo soo gaartay, kuwaas oo qaarkood neef qabatoobay.

Sidoo kale dabka ayaa ku fiday bakhaaro ganacsi oo ku yaalla halkaasi, maadaama la waayay wax gaadiid dab damis ah, taas oo sii kordhisay khasaaraha.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in mar dambe lagu guuleystay daminta dalkaasi.

“Khasaare weyn oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhacay meesha tusaale haddii aan kaga soo qaado wiil iyo aabihiis ayaa ku go’ay illaa 8 qof ayaa waxyeelo soo gaartay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka iyo ganacsatada Caabudwaaq, isaga oo ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa gaadiid dab damis ah.

“Reer Caabudwaaq waxan dhihi lahaa markii la’isku qabsado boos 20 mitir ah sida aan isku leyno waa naqaanaa ee sida aan gaadiid dab damis ah aan usoo gadan laheyn falkeeda in la galo ayaa haboon,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay oday kamid ah dadka degaanka.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mid kamid ah ganacsatada ku dhaqan halkaasi, kaas oo sharraxay goobaha gubtay iyo waxyaabaha lagu iibanayay.

“Bakhaaradaan caalami ayay ahaayeen raashiin, shidaal wax walbaa yaalay way gubteen dadka islaamka ah waxaan ka codsaneynaa in loo gurmado dadkaasi,” ayuu yiri.

Magaalada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga kacay dab khasaare xoogleh geystay, waxaana degmada ay leedahay hal gaari oo dab damis ah, kaas oo aan hadda shaqeyn, sida ay sheegeen dadka degaanka.