Daawo: Ciidan ka kooban 3 qeyb oo howlgal culus ka fuliyey Dayniile + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Baanadir, kaas oo lagu baacsanayay kooxaha ciyaal-weerada iyo kuwa dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo ahaa mid culus, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliska Dayniile, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRT ee Booliska Soomaaliya iyo kuwa Chekh Point-yada guur guura, kuwaas oo isku fidiyay degmadaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale gudaha galay waaxaha ay ka kooban tahay Dayniile, halkaas oo ay ku arkeen kooxo kamid ah ciyaal-weerada, kuwaas oo qaarkood lasoo qabtay.

Taliyaha saldhigga Dayniile Axmed Cali Yalaxow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, isaga oo shaaciyay ujeedka ay ka lahaayeen.

“Waxaan sameynay howlgallo aan ku kormeereyno guud ahaan waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Dayniile annaga oo rabna inay dadka nabad ku afuraan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Booliska Soomaliyeed.

“Dadka ku nool degmada Dayniile waxaan ugu baqayaa inay la shaqeeyaan Booliska Soomaaliyeed har iyo habeen cabashadooda waan ka jawaabeynaa,” ayuu raaciyay.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin ciyaal-weerada iyo kooxaha burcadda ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa habeenadii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga, si looga hortaga falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.