Dagaal mar kale ka qarxay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka markale saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay aagga xerada Qoojacadde oo ay shalay iyo maantaba ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan ay barbar socdeen madaafiic ay ciidanka Somaliland la beegsadeenb xarumo ku yaalla Laascaanood, taas oo adkeyneysa xaaladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale guullo ka kala sheegtay dagaalka maanta, waxaana Somaliland ay sheegtay inay qabatay gaadiid dagaal iyo sidoo kale tiro maxaabiis ah.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka saaka ay qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.,” ayaa lagu yiri waraxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay mar weliba ilaalineyso xabad joojintii horay looga dhawaaqay, si aysan u fogaan dhibaatada taagan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanoodm” ayey markale tiri wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland

Qoraalka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya ” Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland.”

Dagaalkan ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo sidoo kale barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.