Somaliland oo qoraal ku weerartay Mareykanka, farriin-na u dirtay beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online)- Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay beesha caalamka kula wadaagayso walaac ku saabsan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo ka dhalatay dil loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo shisheeye ay soo galeen Laascaanood, xilli ay magaaladaas joogeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo ka jawaabayey tabashooyin ka yimid xubno ka mid ah bulshada deegaanka.

“Dadaal niyad sami leh oo lagu xakameynayo rabshadaha iyo soo celinta xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dib ula soo noqotay ciidamadeeda ammaanka Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay inay taageertay Ergooyin nabadeed oo ay odayaasha beelaha Somaliland ku bilaabeen wadahadal, isla markaana ay soo dhaweeyeen hindisaha ay dawladaha deriska ah ku dhexdhexaadiyeen joojinta colaada.

“Dadkii kiciyay khilaafkan ayaa diiday dhammaan dadaalladaas. Taas beddelkeeda, waxay sii wadeen hurinta, qalalaasaha iyo war-xumada si ay u sii khalkhaliyaan xasiloonida mandaqada, ugana soo horjeedaan qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Somaliland waxay kaloo sheegtay in labadii bilood ee u dambeeyay ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin.

 “Iyagoo ku dadaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen xasillooni-darrada iyo in ay ka fogaadaan in ay sii kororto millatari si ay uga hortagaan waxyeellada loo geysto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in wada xaajoodkii lala yeelan lahaa hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka lagu fashiliyay weerarro sii kordhaya oo ay gaysteen kooxo badan oo hubaysan.

“Kooxahan ayaa isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga soo barakiciyay goobihii ay ku noolaayeen ee Soomaaliya, iyadoo Maraykanku taageerayo hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada, xubno ka tirsan ciidamada Puntland, iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu ku jiro Taliyaha ugu sarreeya ee guutada 4-aad ee Maraykanku tababaray,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland waxay qoraalkaan ku sheegtay in taliyahaas oo hogaami jiray guuto ka mid ah ciidanka Danab markii dambe lagu dilay weerar lagu beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland.

“Sida dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed, ciidammadeenna waxay si is-xakameyn iyo karti-xirfadeed ku dheehan tahay,” ayaa bayaanka lagu yiri.

Somaliland waxay sheegtay in aysan weli jawaab u helin codsiyo ay dirtay, kuwaas oo ku aaddanaa taageerada Maraykanka, si ay ugu qanciso maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee Laascaanood, ama in odayaasha deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. 

“Taasi waxay keentay in maleeshiyaad hubaysan ay si xisaab la’aan ah ugu soo daabusho magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey hoggaamiyeyaasha deegaanka ee doonaya inay wada-hadallo siyaasadeed la yeeshaan dawladda, isla markaana u suurto-gelisa jawi u oggolaaday argagixisada.” 

“Ku guul-darrida Maraykanka iyo kuwa kaleba inay si wax-ku-ool ah, si dhab ah, iyo niyad-jab ku-talaabsadaan waxay khatar gelinaysaa maleeshiyaadkan iyo sii-dheeraynta colaadda,” ayaa qoraalka Somaliland lagu yiri.

Somaliland waxay sheegtay in mar labaad ay u soo jeedinayso dawladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dadka reer Somaliland soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland.

“Caqabadahaas oo ay doonaanba ha ahaadeene, waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.”

Ugu dambeyntii bayaanka Somaliland waxaa lagu yiri “Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalkeena. Haddaba, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo diyaariyaan qorshaha doorashooyinka.”