Xamza oo dalbaday laba arrin si meesha looga saaro…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horeeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

Shirkaan oo socon doona saddex maalmood, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in kooxda Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga xoreynayo.

“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barakacayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed, si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Shirka Qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ka qeyb-galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.