Qoor Qoor oo magacaabay 26 wasiir oo cusub (Aqriso)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirrada, waxaana isku dhaandheyntaan ku baxay wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlayaal, xubnaha uu magacaabay Qoor Qoor ayaa gaaraya 26 mudane.

Lix wasiir, afar wasiiru dowle iyo 16 wasiir ku xigeen ayaa lagu magacaabay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Golahaan cusub waxaa ku jira wasiirro cusub, waxaana meesha ka baxay kuwo dhowrkii sano ee lasoo dhaafayey la shaqeynayey Madaxweyne Qoor Qoor, lamana garanaya sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor ku riixday inuu bedelo wasiirradiisa qaar, markii laga reebo in dikreetada lagu xusay in ‘Baahi loo qabay iskushaandheynta wasiirrada.’

Hoos ka eeg liiska wasiirrada cusub iyo wasaaradaha loo magacaabay:

1.Garad Yusuf Mohamud  Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda

2.C/llahi  Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen,  Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha

4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman,  Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed,  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

15.Shariif C/nuur Barre,  Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

  1. Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

20.C/raxman Maxamuud Maxamed  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta