Guddoomiyaha Aadan-Yabaal oo sheegay inay maxaabiis iyo gaari ka furteen Al-Shabaab

Aadan-Yabaal (Caasimda Online) – Gelinkii dambe ee maanta waxaa ciidanka dowladda iyo xoogagga deegaanka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan oo gudaha u galaan degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo markii ugu horeysay ka xoroobeysa gacan ku heynta Al-Shabaab, sida uu cadeeyey guddoomiyaha ku magacaaban degmadaas.

Nin sheegay inuu yahay guddoomiyaha degmada Aadan-Yabaal ee dowladda federaalka ayaa TV-ga Dalsan u sheegay inay maanta dagaal la galeen Al-Shabaab inta aysan ka qabsan Aadan-Yabaal, iyadoo dagaalkaas khasaare lagu gaarsiiyey kooxda.

“Maanta waxaan dagaal kula galnay meel u dhaxeysa Guulane iyo Xagarey, waxaan halkaas uga qabsanay gaari Cabdi Bile ah iyo nin nool, waana naga carareen,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aadan-yabaal oo magaciisa aan lagu xusin wareysigaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas kadib ay si nabad ah kula wareegeen degmada Aadan-yabaal, waxaana si nabad ah uga baxay Al-Shabaab-kii halkaas maamulayey sanadaha badan.

“Kuwo tuugo ah oo Shabaab-kii Aadan-yabaal joogay ah ayaa labo ceel oo deegaanka ku tiilay waxay ka furteen bambooyinkii biyaha soo saari jiray iyo matooradii, kuwaas ayaan raacdeysanay, waxaan hadda idin kala soo hadlayaa meel bari ka xigta degmada Aadan-yabaal,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, dagaalkii ay maanta duleedka Aadan-yabaal kula galeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay hadda gudaha degmada ka wadaan miino saar, maadaama ay kooxdu miinooyin ku aasto deegaanada laga xoreeyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga