Daawo: DF oo tallaabo qaaday, kadib cabashadii ganacsatada waddada Maka Al-Mukarama

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay cabasho maanta ka timid ganacsatada meheradaha ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka, kadib banaan-baxyo halkaas ka dhacay maanta.

Goobaha ganacsi ee ku yaalla inta u dhaxeysa labadaas isgoys ayaa maanta la xiray, waxayna ganacsatada iska leh iyo dadka degan aaggaas ay dhigeen dibadbaxyo ay uga cabanayeen jid gooyo halkaas ka jirtay muddo ku dhow hal bil.

Hey’adaha ammaanka ayaa gaadiidka u diiday inay isgoyska Dabka u dhaafaan dhanka madaxtooyada, ilaa isgoyska Dabka, waxayna dadkaan maanta banaan-baxa sameeyey dul qaadanayeen muddo bil ku dhow oo wadadaas ay u xireyd hey’adaha amaanka.

Cabashadooda kadib, galabta ayaa la isku furay labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka, Caasimada Online ayaa maanta baahisay inay xiranyihiin goobaha ganacsiga ee aggaas, iyadoo ay banaan-baxyo dhigayaan dadkii halkaas meheradaha ku lahaa.

Maalmihii u dambeeyey Muqdisho waxaa laga dareemayey culeys ay hey’adaha amnigu saarayaan shacabka, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, taas oo shacabku ay dhibsanayaan, maadaama mararka qaar ay lugooyo kala kulmaan sugidda amniga.

Tan iyo markii ay kooxda Al-Shabaab weerarka ka geysatay hotel aad ugu dhow Villa Somalia, cadaadis xoog leh ayaa la dareemayaa in la saaray hey’adaha amniga, kuwaas oo muujinaya feejignaan ay uga hor tegayaan weerarrada ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo aragtida shacabka, kadib markii loo furay wadada