Sawirro: Xasan Sheekh oo soo bandhigay qorshihiisa wada-hadallada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay ‘sida ay uga go’an tahay’ dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xusay doorka fududeynta iyo isu-soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadalladii dhacay oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira, xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin In horay loo sii dhaqaajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada  DFS iyo SL, wuxuuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Somaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.