DF oo garwadeen ka noqotay heshiiska ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis sahlaya ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’ kaas oo suurta-gelinaya inay is wici karaan shabakadaha bixiya xiriirka teleefannada ee ka jira dalka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in xiriirka taleefoonada ee shirkadaha isgaarsiinta la isku furo wixii ka dambeeya 10-ka January 2023-ka, iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023.

War-saxaafadeed lagu shaaciyey heshiiskaan ayaa lagu sheegay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay, balse natiijo laga gaaray.

Maareeyaha Hey’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya.

“Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Mustafa Yaasiin Sheekh.

Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xanibnaanta shirkadaha taleefoonada oo mudo dheer caqabad ku ahayd dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif.

Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo.

Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada.

Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud.