Daawo: Koox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 30 sano meydad ku aasnaa qubuuraha Macalin Nuur ee deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho ayaa lagu bilaabay in dib loo fago, iyadoo aan la ogeyn cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaas.

Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nuur oo tobanaan sano ka hor sadaqeystay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan.

Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sameynayaan ‘dad uu hunguri ka galay’ dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan.

Sidoo kale waxaa halkaas tagtay koox dhalinyaro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, waxayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doonaan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhulkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nuur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor.

Dad meydadka ehelkoodii geeriyooday banaanka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey halkii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la hadlay.

Dadkaan ayaa dowladda ka codsaday inay wax ka qabato rag la garan waayey qorshaha ay damacsan yihiin oo la arkay iyagoo burburinaya oo ’Baldoos ku xaaqaya’ dhulka ay ku yaallaan qubuuraha Macalin Nuur.

Qubuurahaan oo aad u baaxad weyn tobanaankii sano ee lasoo dhaafayna dadka geeriyooda lagu aasayey ayaa ku yaalla deegaanka Tareedisho oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha waxayna can ku yihiin magaca ‘Qubuuraha Macalin Nuur.’

Hoos ka daawo warbixinada