Daawo: Xasan iyo madaxda Jubaland oo safar ku tegay degaan hoos taga Jamaame

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga dowlad-goboleedka Jubaland ayaa shalay booqday deegaanka Malleeyleey oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaankaas Maleyley, waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa deegaankaas loogu sameeyey qado sharaf.

Safarkaas waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Madoobe, labada Madaxweyne ayaa dhagax-dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose.

Wadadaan ayaa dhan masaafo ahaan 120 Kiilo-mitir, waxaana lagu wadaa in deg deg loo hir-geliyo mashruuca dhismaha wadadaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada ree Jubbaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadaneysa fududeynta isku socodka ganacsiga, dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-goboleedka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay salaadii Jimcaha wax uga tukaday masjid ku yaalla Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa dadka reer Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen kooxda Al-shabaab, sidoo kale xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ayuu sheegay madaxweynuhu inuu dadaal kasta ku bixi doono, sidii xal buuxa looga gaari lahaa.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkaana ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin. Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, tabashada ay dadkaasi qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim.”

Hoos ka eeg booqashadii Madaxweynaha ee Malaayley