Daawo: Xasan oo shaaciyey xogta sababtii ay Puntland u saxiixi diiday heshiiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisii xalay qeyb ka mid ah uga hadlay khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si gaar ah khilaafkii la sheegay in Puntland ay kala noqotay shirkii u dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in faalooyin qaldan laga qoray shirkii u dambeeyey ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo qiray in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uusan saxiixin heshiiskii lagu gaaray shirkaas.

“Waxaan rabaa in warbixin aan idinka siiyo shirkii u dambeeyey oo laga faafiyey faalooyin aan sax aheyn, shirkii dhowaa ee golaha wadatashiga, wuxuu ahaa muhiim, waxaana looga hadlayey laba ajende,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labadaas Ajende horay looga balamay oo shirkii hore ee golaha lagu go’aamiyey in shirkaan dambe looga wadahadlo labadaas qodob, “Xiligaas waxaan ku balanay in qolo kasta ay ka soo fekerto,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadal kadib shirkii u dambeeyey heshiis looga gaaray labadii qodob ee ajendaha u aheyd shirka, balse Puntland aysan saxiixin heshiiska.

“Walaalaheen reer Puntland waxay ka cudurdaarteen heshiiskaas, waxay dalbadeen waqti dheeri ah oo wadatashi ay ku soo galaan, waqtigii ay u baahnaayeen ayey qaateen, waana ka rajeyneynaa in aragtidooda ay noo keenaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladda federaalka iyo afarta dowlad goboleed ee kale ay heshiiskaas si buuxda isugu af-garteen oo la wada saxiixday.

“Walaaleheen reer Puntland, waxaan ka rajeyneynaa in mar dhow aan aragtidooda helno, si loogu saleeyo dastuurka la sameyn doono,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Labada qodob ee ajendaha u aheyd shirkaas, Puntland-na ay ka cudurdaaratay inay saxiixdo ayaa bayaankii ka soo baxay shirka waxaa lagu cadeeyey in loogu heshiisyey sidaan:

1 – HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.
2 – ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

Hoos ka daawo