Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo faro-geliyay arrinta Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo farageliyay xiisadda ka taagan Laascaanood ayaa eedeymo culus u jeediyay xukuumadda maamulkaas ee uu horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Khaliif oo aan si aan li fileyn uga hadlay arrinta Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ciidamo u adeegsatay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in xukuumadda ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso xaaladda Laascaanood.

“Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweynaha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, wasaarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliiska, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yiru guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland,.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in xukuumadda Somaliland ay dayacday dadka reer Laascaanood, maada in muddo ah dilal qorsheysayn loo geysanayey haldoorka magaalada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay sii socdaan rabshada Laascaanood, waxaana kordhay dhimashada oo gaartay 20 qof, sida ay shaaciyeen bahda caafimaadka.

Si kastaba, Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid kasi dareysa, maadaama aan weli xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna shacabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.