Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farriin u diray dhallinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, isagoo u sameeyey balan-qaadyo waaweyn.
Madaxweynaha ayaa cod dheer ugu baaqay dhalinyarada ku jirta kooxaha Khawaarijta ah, inay isku soo dhiibaan dowladda, isagoo cafis u fidiyey qof kasta oo isisoo dhiiba.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalinyaradaas ka balan qaaday in aan la bahdi doonin oo ay nolol qurux badan heli doonaan, hadii si nabad ah ay uga soo baxaan argagixisada.
“Maalintan bisha ramadaan ah ee Jumcada ah fadligeeda waxaan rabaa in aan cafis u fidiyo wiilasha Khawaarijtu qaladay, la idinma bahdilayo ee kasoo baxa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka faafiya fariimaha taageeraya kooxaha Khawaarijta ah, “Barobagaandada maalmahan socota Khawaarijtaa iska leh, nasiib darro kuwa farriintooda qaada ayay heleen oo meelkasta u geeya oo Soomaali iyo Ajaanib ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan ‘Dad badan oo Soomaali kamid ah oo nabada, horumarka iyo iftiinka loo baxayo ka cabsanay “Allaha soo hanuuniyo ayaan leenahay.”
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisadu.
“Maanta oo jumca ah Wiilal Soomaaliyeed ayaa qoraxda kulul oo abaarta ah ku dhiig baxaya oo cadowga hortaaggan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, Salaadda Jimcaha kadib, halkaas oo uu kula tukaday masuuliyiinta Dowladda.
Hoos ka daawo