Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay sida uu ka yeelayo arrinta Gedo markii uu tago

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadii Jimcaha ee maanta wax uga tukaday Masjidka Madaxtooyada Jubaland ee Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qorshihiisa safarka uu ku joogo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay ka go’antahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Madaxweynaha oo khudbadaan u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkeena ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey inuu tegayo gobolka Gedo, oo dadaal kasta uu ku bixi doono xal u helidda tabashooyinka reer Gedo ay ka tirsanayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo.

“Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dadka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo uu uga sii gudbo, halkaas oo khilaaf maamul uu ka jiro muddo ku dhow 3 sano.

Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha