Daawo: Bajaajleyda, Booliska iyo Maamulka G/Banaadir oo ka heshiiyey 3 caqabadood

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta qaabilay dhalinyaro guddi ah oo wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ay iska soo dhex-xuleen.

Guddigaan oo ka koobnaa ku dhawaad 10 dhalinyaro ah ayaa wakiil ka ahaa Bajaaj-leyda reer Muqdisho, waxaana kulankii ay la yeesheen masuuliyiintaan u xilsaaran amniga Muqdisho looga hadlay seddax qodob oo kala ah:

1-Banaan-bixii ay iclaamiyeen Bajaajleyda Muqdisho.
2-Dilalka ay ciidamada dowladdu u geystaan wadayaasha mooto Bajaaj-ta ee sida joogtada ah Muqdisho uga dhaca.
3-Iyo Bandowga saaran socodka Mooto Bajaaj-ta markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii.

Kulankaan kadib guddiga iyo masuuliyiinta ayaa qabtay shir jaraa’id, waxayna warbaahinta u sheeheen in xal laga gaaray 3-daas qodob ee diiradda lagu saaray shirkii ay isugu yimaadeen maanta oo Jimco ah.

Ugu horeyn dhinacyada ayaa isku raacay in la joojiyo banaanbixii ay iclaamiyeen inuu berri oo Sabti ah Muqdisho ka dhacay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in la joojiyo oo ciidanka lagu khasbo in aysan geysan dilalka darawalada Mooto Bajaajta, isla markaana deg deg maxkamad loo hor geeyo askarigii dil geysta.

Ugu dambeyntiina qodobka 3-aad ee heshiiska looga gaaray kulankii maanta ayaa ahaa Bandowga saaran socodka mooto Bajaaj-ta, markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii, waxaana lagu daray mudo hal saac ah.

Mootooyinka magaalada Muqdisho ka shaqeeya ayaa xarooda habeen kasta 12:00 ee saqda dhexe, balse hadda waxaa loo ogolaaday inay gaari karaan 1:00 habeenimo.

Qaar ka mid ah wadayaasha mooto Bajaaj-ta ayaa la hadlay warbaahinta waxayna xaqiijiyeen in xal hordhac ah laga gaaray tabashooyinkii ah qabeen, sidoo kale guddoomiye Yabooh ayaa isna sheegay inay is fahmeen maamulka gobolka Banaadir iyo Bajaajleyda Muqdisho.

Sidoo kale Guddigii u hadlay Bajaajleyda waxay sheegeen in markii la gaaro bisha Ramadaan laga balan qaaday in loo fasixi doono inay toos u shaqeystaan 24-ka saac, iyadoo inta ka horeysana laga sii shaqeyn doono sidii ay taasi u suurta-geli laheyd.

Hoos ka daawo