Daawo: Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo shirkadda Amazon

Minneapolis (Caasimada Online) – Soomaali fara badan oo ka shaqeeya xarun ay leedahay shirkadda weyn ee Amazon oo ku taalla degmada Shakopee ee gobolka Minnesota ayaa kahor yimid go’aan ay shirkaddu ku xireyso xaruntaasi.

Maamulka shirkadda ayaa sheegay in uusan diidaneen shaqada ay u hayaan dadka Soomaalida ah, balse loo wareejinayo xarun kale, taasi oo ay diideen qaar kamid ah howl-wadeennada ka shaqeeya.

Soomaalida ayaa waxay sheegeen in go’aankan uu yahay mid ay shirkaddu uga aargoosanayso shaqaalaha Soomaalida u badan ee Amazon, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan.

Qaar kamid ah shaqaalaha diidan in xarun kale ay u wareejiso shirkadda ayaa dood ka dhigtay laba arrin oo kala ah; in ay yihiin dad ku cusub Mareykanka oo aanay heli karin shaqooyin kale iyo howl-wadeennada qaar oo ka fogaanaya deegaankooda.

Shaqaalahan ayaa waxay dhigeen banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedaan tallaabadan ay qaaday shirkada, iyaga oo sheegay in sababta loo xiray xarunta ay ka shaqeeyaan tahay hab la doonayo in iyaga shaqada looga eryo.

Amazon ayaa dhankeeda ku dooday in xafiiska degmada Shakopee ee gobolka Minnesota la xirayo, go’aankaasina aanay ka dhigneen in shaqada laga saarayo shaqaalaha badan ee xafiiskaas laakiin loo wareejinayo xarun kale.

Soomaalida ka shaqeysa shirkada Amazon ayaa hore u dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayaan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Soomaalida ah, hase yeeshe go’aankan cusub ayaa lagu macneeyay aargoosi ka dhan ah shaqaalaha, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan.