25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Daawo: Xasan oo weerar culus ku qaaday mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xubnaha mucaaradka ugu baaqay inay soo dhaafan guryaha iyo hoteellada ay uga jiraan caasimadda, si ay u arkaan xaladda dhabta ah ee Muqdisho, oo uu sheegay inuu ka jiro isbeddel weyn oo dhanka horumarka iyo amniga.

“Waxaan leeyahay hoggaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta inta badan waaba ka maqan yihiin magaalada Muqdisho, marka ay yimaadan ha baxaan oo dadka ha dhex-galaan, oo hasoo arkaan nolosha fiican iyo amniga magaalada, indhihiina ku soo arka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Inta aad gurigaaga iyo hotel Jazeera isku soo oodaan balaayo ha ka soo afuufina. Wax aad hubto sheeg, mas’uuliyadda iyo dadnimada ayaa ku faraysa, waajib ayay kugu tahay in dadka dhagahooda wax fiican maqlaan oo indhahooda wax fiican arkaan.”

Sidoo kale waxa uu nasiib daro weyn ku tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka badankooda ay inkiraan waxa laga qabtay shaqada laga qabtay caasimadda, oo uu xusay in shalay iyo maanta uu isbeddel weyn u dhaxeeyo xaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu xalay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weerar ku qaaday dowladda, uuna sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, ayna dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf, waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda uu ka daran yahay.”

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News