Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaabay hadalkii uu xalay jeediyay Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo oo weerar ku qaaday dowladda Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu yiri “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf, waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda uu ka daran yahay.”
Intaas kadib, Wasiir Jaamac oo u jawaabay Farmaajo, kana difaaacay dowladda eedeymaha uu u jeediyay madaxweynihii hore ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi.
“Roobab ma jiraan oo abaaro waa jiraan, Ilaahey baan u barineynaa in roobabku da’aan, Laakiin sagaashamweyadii uma dhowa,” ayuu yiri Jaamac.
Waxa uu intaas kusii daray “Hadaad hogaamiye tahay Dalkaaga iyo Dadkaaga inaad ku dhex jirto wacyigaaga ayey wax wen ka tareysaa, xog qol mugdi ah laguugu keeneyna waad ka maarmeysaa.”
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
Hadaad hogaamiye tahay Dalkaaga iyo Dadkaaga inaad ku dhex jirto wacyigaaga ayey wax wen ka tareysaa, xog qol mugdi ah laguugu keeneyna waad ka maarmeysaa.
Xaley waxaan aad uga naxay war ka soo yeerey qof masuul ah oo ah dalka iney ka jirto macluul, caga barar ka daran kii dagaaladii sokeeye ka dhacay dalka oo ay wakhtigaas maalintii boqolaal u dhimaneysey macluul.
Roobab ma jiraan oo abaaro waa jiraan, Ilaahey baan u barineynaa in roobabku da’aan, Laakiin sagaashamweyadii uma dhowa.
Haduu masuulkaasi abaartaas ogaan lahaa waxii dhacay maanta waxas wax ka daran ayaa jiro ma dhaheen bal ugu yaraan vedioyadii ha loo shido.
Koleyba in lays dacaayadeeyo la huri maayo siyaasadda, laakiin loo qaateen iney noqoto ayaa fiican.
Boqolaalkii sagaashamweyadii dhimaneysey ka daran hadey maanta jirto waa mid ku eg qolka lagu sheegey. Ummadda Soomaaliyeedna Ilaahey kuma soo celiyo macluushaas.

