24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee Maxkamadeynta kiiska Saabiriin Saylaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa mar kale maanta ka bilowday dhageysiga kiiska xasaasiga ah ee ka dhashay dilkii arxan darrada ahaa ee dhawaan loo gaystay Marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdullaahi oo 14 jir ahayd, taas oo weli maydkeeda uu yaallo isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo ayaa maanta guda gashay fadhiga labaad ee kiiskan, waxaana uu ku bilawday saaka difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane oo ah hooyadii iyo aabbihii guriga ay ku noolayd Saabiriin, qoyskaasi oo ahaa qaraabada gabadha yar ee jir dilka iyo ku ceejinta xarigga u dhimatay, waxaana awoowe u ah aabaha qoyska.

Qareennada ayaa fadhigga ka sheegay in ay xanuusan tahay eedeysane Hodan, iyaga oo soo bandhigay daawo ay sheegeen in ay qaadan jirtay, sidoo kale adeerkeed oo goobta ka hadlay ayaa dalbaday in baaris caafimaad loo diro, si loo hubiyo caafimaadkeeda.

Dhanka kale, waxaa arrintaan iyana dood ka keentay xeer ilaalinta oo ku jawaabtay  “Qareenka u doodaya eedaysane Hodan wuxuu keenay dawooyin uu sheegay in ay qaadan-jirtay eedaysanuhu mana keenin dhakhtarka qoray dawooyinka iyo xanuunka looga qoray” Sidaas waxaa tiri xeer illaaliye Muxubo oo u doodaysa Allaha u naxariistee Saabiriin.

Dacwad qaadista maanta ayaa ka duwan maalinkii kooowaad, waxaana la yareeyey dadka soo galaya maxkamadda, iyada oo sidoo kale ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka, si loo xoojiyo ammaanka guud.

Ciidanka ayaa isku hareereeyay aagga maxkamadda, waxanay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa, si looga hortago in la carqaladeeyo kiiska yaalla maxkamadda oo ah mid xasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa jira dadweyne maanta tuban waddooyin durugsan ee magaalada Gaalkacyo, kuwaa soo sugaya go’aanka maxkamadda, iyaga oo horay u dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in cadaaladda la horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilka gabadha yar.

Arrintan ayaa muujinsyeo culayska uu leeyahay kiiskaan oo ahaa mid arxan-darro oo xiisad culus ka abuuray magaalada Gaalkacyo, iyada oo Maxkamadda ay baahisay muuqaallo lagu arkay sida loo dilay Saabiriin falkaas oo ahaa mid ugub ah, si weyna looga carooday

Si kastaba, Ma cadda in maxkamaddu ay maanta go’aan ku gaari karto labadaan garmaqal oo kaliya iyo in ay u sii baahan karto caddaymo kale oo dheeraad ah iyo fadhi saddexaad.

- Advertisement -

Read more

Local News