Daawo: Xildhibaan maanta ku dhex ilmeeyey xarunta baarlamanka kadib xaalad…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta warbixin dheer siiyey Baarlamaanka, kadib safar ay isaga iyo xildhibaanno kale ku tegeen gobolka Bakool.

Mashruuc ayaa ku dhex ilmeeyey kulanka Baarlamaanka, intii uu gudbinayey warbixinta ku saabsan xaaladda murugsan ee gobolka Bakool oo abaaro iyo dagaallo ay ka jiraan.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xaalad adag ay ka jirto gobolkaan, gaar ahaan deegaannadii lagu dagaalamay ee magaalada Caato iyo nawaaxigeeda, wuxuuna sheegay in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo kuwa kale ay u dhimanayaan dagaallo.

“Bakool daruufaha ay dadkiisa ku dhagan yihiin kuwa uu dagaalka ku dhacay iyo kuwa geedaha hoostooda ku dhimanaya, xoolihiina ka dhammaadeen. Dad soo barakacay oo ka soo barakacay Xudur illaa Garasweyne, illaa Moora Gaabey oo tegay illaa Tiyiglow oo meesha ay ku qaxeena xabad ku qabsatay ayaa jira aad iyo aad ayaa damiirkeygu iyo jirkeyguba ii xanuunayaa waxa halkaas ka jira darteed iyo sida aan meeshaan u fadhiyo runtii arrin qalbigeyga taabatay weeye,” ayuu yiri isaga oo ilmeynayo Xildhibaan Mashruuc.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab, si dadka shacabka ah looga dul-qaado dhibaatada ay ku hayaan.

“Waxaa weeye waan qiirooday xaaladda dadkeena iyo dalkeena uu ku jiro oo aan maanta Xamar uga sameyneyno, waa inaan talo dhab ah gaarno oo Shabaabna iska celino,”

Xildhibaan  Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in intii ku sugnaayeen booqashada deegaanka ay weerar culus iyo dagaal ay kala kulmeen Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay ku soo weerareen hub casri ah iyo baabuur ay ka qabsadeen ciidamada howlgalka AMISOM, balse hadda loo bedalay magaca ATMIS.

“Al-Shabaab waxay nagu soo weerareen hubkii casriga ahaa ee AMISOM laga qaatay, gawaaridii gaashaamnaa, suugag iyo madaafiic goob, ciidamadeenuna waxa ay haysteen oona ugu weynee Nashiike runtii wuxuu ahaa dagaal mucjiso ah,” ayuu sii raaciyey.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaaladdo ka dhashay abaaraha iyo sidoo kale weeraro halis ah oo Al-Shabaab ay ku heyso dalka, waxaana u dambeeyey weerarkii hoteel Xayaat.