Abiy oo XASAN SHEEKH u daba maray Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Xasan Sheekh u daba maray Soomaaliya, isaga oo la xaajoonaya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo, midba mid kalena uu ka qabo shaki weyn.

Madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa horaantii August waxa uu muddo toddobaad ah ku sugnaa Itoobiya. Kadib markii uu saraakiil ka tirsan sirdoonka militariga Itoobiya kula kulmay Addis Ababa, wuxuu u duulay magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Mustafe Cumar.

Laftagareen ayaa Itoobiya kala soo laabtay heshiis iskaashi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo dhammaadkii bishii July weerar ku qaaday Itoobiya, kaasi oo ay gudaha ugu gashay qiyaastii 200km.

Waxyar kadib booqashadaas, Mustafe oo xulufo dhow la ah ra’iisul wasaare Abiy ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay xiriiraan weerarka Al-Shabaab iyo muranka muddada fog ka dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile.

Wargeyska Africa Intelligence oo la xiriiray Mustafe, si uu sharaxaad dheeri ah u bixiyo, ayaa isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin sheegay in “quwado shisheeye” ay mucaaradka Tigray u adeegsanayaan in dagaal sokeeyey ka kiciyaan Itoobiya.

Qaahira oo isha lagu hayo

Abiy Ahmed iyo taageerayaashiisa weli go’aan kama gaarin dhacdooyinkii dabayaaqadii July, markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tegay Qaahira, islamarkaana uu arrinta biyo-xireenka Webiag Nile kala hadlay dhiggiisa Masar Abdelfattah al-Sisi. 

Kahor safarkaas, Bankiga Misr ayaa waxaa la siiyey ruqsad uu kaga howlgalo Soomaaliya, taasi oo astaan u ah heerka isu soo dhowaanshaha labada dhinac.

Intii lagu guda jiray wada-hadallada, Sisi ayaa ku celceliyey inuu rajeynayo in ciidamada Masar ay qeyb ka noqdaan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS. Tallaabadan ayaa xariiq cas u ah Itoobiya. 

Aragtida Addis-Ababa ayaa ah, in isu soo dhowaanshaha Qaahira iyo Muqdisho ay halis toos ah ku tahay Itoobiya.

Isaga oo sidoo kale tuhunsan in Xasan Sheekh uu xiriir wanaagsan la leeyahay Jabhadda Tigray-ga ee TPLF, Abiy ayaa qaaday tallaabooyin weerar celin ah oo ka dhan ah Xasan Sheekh, oo ay qeyb ka aheyd booqashadii Laftagareen ee Itoobiya.

Dhowr maalmood kahor, saraakiil sare oo ka tirsan militariga Itoobiya ayaa gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Itoobiya lama socodsiin Villa Somalia booqashadan.

Xiriirka Itoobiya oo sii xumaanaya

Abiy ayaa sidoo kale la hadlay dhowr ka mid ah madax goboleedyada Soomaaliya, isaga oo u maraya Mustafe Cumar, wuxuuna aad uga taxaddaray. in Villa Somalia aysan qeyb ka noqon wadahadalladan.

Muddo toddobaadyo gudahood ah, Mustafe ayaa wada-hadal taleefon la yeeshay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo kan HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. 

Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulufo dhow yihiin Abiy Ahmed.

Isaga oo ka warhaya xiriirka sii xumaanaya, Xasan Sheekh ayaa dabayaaqadii bishii July wuxuu Sheekh Aadan Madoobe, oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, u xil saaray inuu ka shaqeeyo dejinta xaaladda Itoobiya.

Si kastaba, Sheekh Aadan madoobe ayaan illaa hadda qaadin wax tallaabo ah oo lagu horumarinayo xaaladda, oo weli sideeda ah.

Dowladda Xasan Sheekh waa ay diiday in la kordhiyo muddo xileedka madaxweyne laftagaren, oo hadda ku eg bisha December balse ay ka go’an tahay inuu dheereysto.

Saddex maalmood ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay xulufo yihiin Xasan Sheekh ayaa muddo kororsi hal sano ah sameystay, taasi oo xasarad siyaasadeed ku furtay Xasan Sheekh; inuu diido muddo kororsiga Laftagareen kana aamuso midda Axmed Madoobe isma qaban doonto.