Najiib Razak – Ra’iisul Wasaarihii awoodda badnaa ee xabsiga ku dhammaaday

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Wuxuu cayaarta golf-ka la dheelay laba madaxweyne oo Maraykanka ah. Waa Donald Trump iyo Barack Obama. Laakiin, hadda, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Najiib Razak ayaa looga fadhiyaa inuu, sida deriskiisa oo kale, u tiriyo gacan-ku-dhiiglayaal iyo kuwo badan oo daroogada ka ganacsada oo uu yaqaan. 

Maxkamadda Federaalka ayaa Najiib ku riday xukun ah inuu 12 sanno ku qaato xabsiga maalintii Talaadada kaddib markii ay caddaymo u heshay eedeymo fadeexado xambaarsan, sida lunsiga hanti qaran oo uu ka xaday sanduuqa dowladda oo gaaraya balaayiin dollar. 

Tani waxay ahayd racfaankii ugu dambeeyey oo uu qaato. Waxaana gaalshiraha loo taxaabay isaga oo ku lebisan dhar qurux badan. Kaamirooyinka ayaa toos u duubayay iyada oo dhismaha maxkamadda laga soo saarayo si xabsiga loogu dhaadhiciyo. 

Xukunkiisu wuxuu asteeyey dhacdooyin la-yaab leh oo laga diiwaangeliyay hoggaamiye si adag awoodda maamul u qabsaday kadibna lagu helay fadeexad hareysay maamulkiisa oo baaritaannada gudaha ay muujiyeen in xatooyadiisa ay xargaha goosatay oo uu ka tallaabaday xuduudaha. 

Waxay sababtay in sannadkii 2018-ka ay Malaysian-ku kala noqdaan kalsoonida oo ay diidaan inay codkooda siiyaan. Waxay qadyaan ka joogeen musuqa baahsan ee la degay hey’adaha dowladda iyo maamulkiisa. 

Wuxuu isku dayay inuu dalka ka dhoofo durba markii looga adkaaday doorashada. Laakiin waa laga horjoogsaday inuu baxo. Si ku meelgaar ah ayaa loo xayiray dhaqdhaqaaqiisa, waxaana baaritaanno loogu dhaqaaqay hantidiisa. Wax aanay dadka Malaysia ka fileyn inanka uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii labaad ee dalka, Cabdulrazaaq Xuseen ayaa loogu tagay hoygiisa. 

Tan iyo markaas, Najiib wuxuu ku jiray waqtigii ugu fiicnaa xilligiisa goortii ay socotay garmaqalka dacwaddiisa. Wuxuuna iska difaacay isku darka 42 eedeymo ah. Wuxuu ku adkeystay inuusan wax dambi ah gelin oo ay tahay marinhabaabin eedeymaha culus ee loo heysto. 

Maalin kahor intaan lagu dhawaaqin xukunka kama dambeysta ah, Najiib wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray inuu dareemayo kelinimo, dhagar iyo qorshe ka-dhan ah isaga oo loo maleegay. 

‘WAXAAN AHAA QUUS’

Laalidda racfaankiisii ugu dambeeyey wuxuu ku lug lahaa xukun sannadkii 2020-ka dhacay oo maxakmadda hoose ay go’aamisay dambiyo ku saabsan jebinta iyo baalmaridda kalsoonida shacabka, ku-takrigalka awoodda maamulka iyo lacago la-dhaqay oo gaaraya $10 milyan oo doolar.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in adduun dhan $4.5 bilyan laga xaday Sanduuqa Dowladda oo uu wax ka aas-aasay Najiib markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa sannadkii 2009. In ka badan hal bilyan waxaa lagu shubay koontada Najiib. Waana arrin ay Waaxda Cadaaladda Maraykanka ku tilmaantay baaritaankeedii ugu weynaa ee kleptocracy. 

Najiib ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay isku dayay inuu dib-u-dhigo maxkamadda go’aankeeda ugu dambeeya inay ku dhawaaqdo isaga oo beddelaya qareennada wax yar kahor billowga racfaanka.

Laakiin xeeladdiisa waa lagu fahmay, aad baana loogu naqdiyay.  Maxkamadda, ayaa si kastaba, diiday inay qareennadiisa siiso waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan.

“Kama xishoonayo inaan iraahdo ‘waxaan ahay nin quustay’,” ayuu ku yiri war qoraal ah toddobaadkii hore mar uu ka hadlayay tallaabadii uu ku beddelay qareennadiisa. 

Wuxuu hadda codsan karaa in dib-u-eegis lagu sameeyo go’aanka Maxkamadda Federaalka, waase adag tahay in codsigan oo kale uu meelmaro. Wuxuu sidoo kale dalban karaa ‘Cafis Boqortooyo’. Haddii laga aqbalana, wuxuu kaga badbaadi karaa inuu 12 sannadood oo buuxda xabsiga ku jiro. 

Xukunka ayaa la micno ah in Najiib uu lumin doono kursigiisa baarlamaanka; mana u tartami karo doorashada. Wuxuu sidoo kale wajihi doonaa xukunno kale oo dhowr ah oo kaga yimaada eedeymaha xatooyada ee Sanduuqa Dowladda. 

SAACAD QAALI AH IYO BOORSOOYIN

Meel sare inuu kasoo galo siyaasadda ayaa loo diyaariyay Najiib isaga oo 23 jir ah. Muddo dheer, wuxuu ahaa qofkii ugu da’yaraa ee loo doorto baarlamanka. Maadaama uu kasoo jeedo qoys sumcad ku leh siyaasadda – kaas oo wax kusoo bartay dalka UK, Najiib waxaa loo doortay ra’iisul wasaare sannadkii 2009. 

Wuxuu la yimid himilo kale oo isbeddel doon ah. Wuxuuna aad ugu ol’oleeyey siyaasad dhaqaale oo xor ah iyo tirtiridda xeerarkii amni ee xilligii gumeystaha la meelmariyay. Waana dadaal uu ku doonayay inuu ku daadejiyo aragtida dowlad aan dooneynin inay burburiso mucaaradkeeda. 

Laakin diidmada qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Malaysia ee doorashadii 2013-ka ayaa Najib ku kaliftay in uu dib-u-soo ceshado ballan-qaadkiisii dib-u-habeynta isaga oo wajahaya caro ka dhalatay luminta mudnaanta dhaqaale ee muddada dheer ay heysteen dadka Malay-ga ah oo ah qowmiyadda ugu badan Malaysia.  

Malaysia waxaa ku nool 32 milyan oo dad ah; in ka badan 60% waa Muslimiin badigood kasoo jeeda qowmiyadda Malay-ga. Waxaana kusoo xiga Shiineeska iyo Hindida. 

Fadeexaddii ugu horreysay markii ay soo muuqatay sannadkii 2015-ka, Najiib wuxuu isku dayay inuu si degdeg ah uga daba-tago dhaleeceymaha. Waxaase waagu ku baryay sannadkii 2018-ka markii doorashada looga adkaaday kadibna ay kusoo furmeen eedeymo ballaaran oo maamulkiisa lagu soo oogay. 

Markii doorashada looga adkaaday, waaxda baaritaannada ayaa helay boqollaal boorsooyin gacmeed qaali ah, dahab, saacado iyo malaayiin dollar oo caddaan ah intii lagu guda-jiray howlgalalladii ka socday guryaha qoyskiisa. 

Wuxuu weli caan ka yahay meelaha qaar oo xisbigiisu ku leeyahay shacbiyadda. Hadalheyntiisa joogtada iyo xogaha la xiriira eedeymaha iyo dambiyada loo heysto ayuu ku kasbaday in ka badan 4 milyan oo follower ama ‘raadato’ ah inuu ku yeesho bartiisa Facebook. Waxayna taasi ka yeeshay siyaasiga ugu shacbiyadda badan Malaysia dhanka baraha bulshada. 

Zaki Hiraale – Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com