DAB ka dhashay diyaarad rakaab ka qaaday Muqdisho kuna wajahneyd Nairobi

Muqdisho-(Caasimada Online)-Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo dab ayaa maanta ka kacay gudaha diyaarad dad shacab ah ka qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana gaartay Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo barqadii maanta ka duushay Muqdisho ayaa waxaa gudaheeda ka dhashay dab xoog leh waxaana saarnaa rakaab u badnaa dad Soomaaliyeed, iyadoo si dirqi ah uga dagtay Garoonka Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Gaadiidka dabdamiska ee garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ka kacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dabkaas ayaa diyaaradda ka dhashay daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Wajeer oo lagu sii xanibo diyaaradaha ka baxa magaalada  Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in markii dabku ka dhashay diyaaradda ay dareemeen wal-wal badan, balse Alle uu badbaadiyay.

Daqiiqado kadib markii uu dab qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ayaa nasiib wanaag waxa ay ka caga dhigatay Nairobi, iyaga oo bad qaba dhamaan rakaabkii diyaaradda.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com