Dabageed oo ogolaaday in uu xilka wareejiyo + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa xal rasmi ah laga gaaray xiisadii maamul ee ka taagneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ayaa lagu guuleystay in la soo afjaro xiisadaasi.

Khilaafkan ayaa ka dhashay xilka qaadis uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku sameeyey guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo ka hor yimid tallaabadaasi.

Dabageed ayaa ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, islamarkaana uu baneeyo xarunta degmada, taas oo sababtay inay xiisadu xoogeysato iyo dagaal ka dhacay deegaanka Kala-Bayr ee gobolka Hiiraan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramayaa in guddoomiyaha cusub Cali Muxumed Caraale uu shalay la wareegay xafiisyada degmada.

Arrintan ayaa timid, kadib wada-hadallo muddooyinkii dambe ka socday halkaasi.

Sidoo kale waxaa xalay kulmay guddoomiye Caraale iyo Dabageed, kuwaas oo is gacan qaaday, kuna dhawaaqay in la dhammeeyey khilaafkii taagnaa.

Illaa iyo hadda xilka lama wareegin guddoomiyaha cusub, basle dhawaan ayaa la filayaa in la qabto xafladda uu xilka ku wareejinayo guddoomiye Dabageed oo hadda aqbalay.

Xiisadan oo muddo ka taagneyd Beledweyne ayaa sababtya inuu ku dhinto taliyihii qeybta Booliska Maxamed Macow oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com