Somaliland oo war cusub ka soo saartay dacwadii BBC-da

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukumaada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay dacwada ay muwaadiniinta reer Somaliland ka gudbiyeen laanta Afka Somaliga ee BBC.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Idaacada BBC-du ay ka baxday dhex-dhexaadnimadii umada ku hadasha Afka Somaliga, isla markaana ay u gudbiyeen warqad cabasho ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu BBC-da ku eedeyay inay noqotay idaacad laga leeyahay Xamar oo hal qoys iska yeeshay, taasi oo ku tilmaamay wax laga xumaado.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey xafiiska magaalada Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey in BBC-da ay hore dacwad uga gudbiyeen muwaadiniin reer Somaliland oo ku nool dalka Ingiriiska, wuxuuna yiri

“BBC London oo la odhan jiray idaacadii geeska afrika ama aduun weynahaba laga dhageysan jirey oo maanta aad moodo in qoys yeeshay, runtii aad iyo aad ban uga xumahay”.

“Idaacadaasi waa tii aheyd reer Somaliland ay hudheelada, meelaha la iskugu yimaado iyo guryaha intaba ka dhageysan jireen, aad baa warkeeda loo aqoonsana loona sugi jirey, maanta meel lagu dhageysanayo arki maysid, sababto ah waxay ka baxday dhex-dhexaadnimadii”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Qoraal dheer oo cabasho ah ayaanu ka wasaarad ahaan u qorney, waxaana arkayey qoladii reer London muwaadiniintii ku noola inay cabasho ka bixiyen, waanu ka ashkatooneyna oo ka cabaneyna”.

“Waxaanu ka codsaneyna inay arrinta iyada ah nooga soo jawaaban, talaabana ay qaadan, hadii kale wixii nala gudboon ban yeelayna, dadka reer Somaliland-na waxan u sheegay cabashadaas waad nala muujinaysan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com