Maxay warbaahinti Gini ka tiri socdaalkii Muuse Biixi?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta dalka Gini ayaa markii u horeysay ka hadashay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay caasimada dalkaasi ee Conakry.

Shabakada Mediaguinee oo kamida Warbaahinta dalka Gini ayaa sheegtay in socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalkaasi ay horseeday in shacabka reer Somaliland si weyn u sharfaan calanka wadanka Gini iyo Madaxweyne Alpha Condé oo sawiradiisa la sudhay wadooyinka waaweyn ee caasimada Hargeysa.

Waxa kale oo ay xustay shabakadu in shacabka Somaliland ay si weyn u bogaadiyeen madaxweyne Conde iyo shacabka reer Gini, oo Madaxweynahooda si meeqaam sarre leh loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Gini.

Jamhuuriyada Gini iyo Somaliland ayaa xiriir cusub yeeshay kadib socdaalkii Madaxweyne Biixi, kuwaasi oo la filayo inay yeeshaan iskaashiyo kala duwan oo dhinaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com