Dacwad ka dhan ah C/Weli Gaas oo lagu wareejiyey xeer ilaaliyaha qaranka

Garowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ee dhawaan uu shaqada uu ka ceyriyay madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay dhawaan soo saarayaan warqad dacwo ah oo ka dhan ah Gaas.

Saraakiishaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas, ay ka gudbiyaan dacwad ay ku cadeynayaan dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanada Puntland, sida ay sheegeen.

Waxay sheegeen in Maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta qaranka ay u gudbin doonaan dacwadooda ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Puntland C.Welli Maxamed Cali Gaas.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo farageliso xiisadda u dhaxeysa iyaga iyo madaxweyne Gaas, taasi oo dhalisay inay xilalkooda waayaan.

Warqadda ay soo saareen saraakiisha ciidamada Putland ayaa waxay sheegeen inay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Aqalka Sare, madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Gaas iyo saraakiisha Ciidamada ayaa ka dhashay markii saraakiisha ay ka biyo diideen go’aan madax maamul goboleedyada ay ku gaareen magaalada Garowe oo ay kaga horjeesteen dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com