Madax goboleedyada ma danta qaran ayey garteen mise waa laga adkaaday?

Golaha Iskaashiga dowlad Gobolleedyad waxa ay xiriirkii wada shaqeyneed ee kala dhexeysay dowladda Federaal-ka ah ku hakiyeen kulan ay Kismaayo ku yeesheen horraantii bishii hore.

Hase ahaatee, waxaa khilaafka labada dhinac u dhexeeya cirka sii galiyey jawaabtii ay dowladda Federaal-ka ah ka bixisay qodob ka mid ah nuxurkii war-murtiyeedkii ay soo saareen, oo ay ku dalbadeen in haddii iyaga iyo dowladda dhexe loo gar qaadayo la helo damaanadda DARAF saddexaad ah.

Maalmo kaddib, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ganafka ku dhufty dalabka Maamul Gobolleedyada isaga oo si cad u sheegay in la soo dhaafay waqtigii shisheeye wax ka goyn jiray siyaasadda iyo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Iyada oo ay halkaas xaajo joogto, kulan kale oo ay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada ku yesheen Garowe, waxa ay ka soo saareen qodobo ka xasaasi sanaa kuwii Kismaayo, oo ay ka mid ahaayeen sameynta ciidamo afar kun ah oo isku dhaf ah, iyo wali shirweyne ay bishan u qoondeeyeen in ay ku qabsadaan Dhuusomareeb.

Intaas waxaa socday dadaallo uu Aqalka Sare waday, kaas oo kaddib Shirkii Kismaayo sameeyey gudiyo ku kala baxa Maamul Gobolleedyada, oo soo qiimeeya halka sarartu ka quruntay kaddibna raadiya xal.

Dadaalada Aqalka Sare waxa uu u muuqday mid fashil ku socday, hase ahaatee, Arbacadii ayey maamul gobolleedyada iyagu dalbadeen in Aqalka Sare galo hawsha oo loo gar naqo dowladda!

Hadaba maxaa is bedelay?

Is bedelka ku yimi go’aankii Maamul Gobolleedyada waxaa loo aaneyn karaa lama mid; 1 – In ay ku soo dheceen jidkii saxda ahaa oo ay danta qaranka u hiileen. 2 – In laga adkaaday oo ay is dhiibeen

1 – DANTA QARAN

Go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaayo, qodobkii ugu weynaa ee ay ku waayeen taageerada shacaka, waxa uu ahaa midka dhigayey dhexdhexaadinta iyo damaanadda DARAFKA saddexaad. Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaasha Maamulada ay dareemeen kulka dareenka shacabka oo ay meesha ka saareen qodobkaas, ayna ugu dambeyn garteen in danta qaranka ay ku jirto in Soomaalida ayagu heshiiyaan.

2 – IS-DHIIBiD

Waa xaqiiqo in labada dhinacba qodobada qaar ay isku haystaan mid walba ku saxan yahay, sida in dowladda looga gar leeyahay tabashooyinka qaar ee ay qabaan Maamulada, hase yeeshee, inta badan waxyaabaha salka u ah khilaafka waxa ay u muuqdaan in aysan ahayn kuwa la gaarsiin karo heerka ay hoggaamiyayaasha maamulada gaarsiiyeen.

Shirkii ugu dambeeyey ee Garowe waxa uu xaqiijiyey in Maamulada aysan meesha ku hayn qodobo muhiim ah oo ay la gola yimaadaan, waaxaana caddeyn u ahaa war-saxaafadeedkii ay soo saareen oo lagu qoray waxyaabo bulshada oo dhan ka yaabiyey sida isku dhafka ciidamada iwm.

Gunaanad, marka dhinac walba laga fiiriyo go’aankii ugu dambeeyey ee ay Maamul Gobolleedyadu ku aqbaleen in xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe noqdo mid maxali ah, waxa uu noqonaa kii ugu saxnaa ee ay qaataan marka loo eego kulamadoodii badnaa ee ay marba dhinac ku shirayeen.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid