Dhageyso: Shaakh Shaakir oo war kasoo saaray arrinta isaga iyo madaxweyne Xaaf

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta ka hadlay xiriirka isaga iyo madaxweynaha Galmudug, xilli wararka qaar ay sheegeen inuu khilaaf soo kala dhex-galay.

Sheekh Maxamed Shaakir oo maanta dadweyne fara badan kula hadlayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuusan jirin khilaafka la sheegay in isaga uu kala dhaxeeyo madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay hoggaamiyaha Galmudug, islamarkaana go’aamadda uu soo saaro ay qaadan doonaan, kana dambeyn doonaan.

“Waxaan idin sheegayaa in been abuur uu yahay khilaafka ay soo hadal qaadeen warbaahinta qaar, Galmudug hal madaxweyne iyo hal Dastuur ayay leedahay, go’aamada Xaaf ayaanu ku shaqeyn doonaa”. ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Weli waxaa xal buuxa laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug oo sababay in Galmudug ay laba u qeybsanto oo ay ka kala arrimiyaan Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Kadib markii warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir lagu soo dhaweeyay gogol uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay madaxda maamul goboleedyada, ayaa lagu warramay in laga yaabo inuu kal furtay Xaaf, kuna biiray dhinacyada taageersan dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com