Video: “Gabdho uurka ku sida ilmo aan aabe lahayn ayaan hoteellada xeebta Liido ka arurinaa habeenkii”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa sheegay in dumarka lagu faraxumeeyo hotellada xeebta kuyaal islamarkaana ciidamada Booliska ay dumar  ilma wacalla ah sida ka aruuriyaan liido si aysan badda ugu ridin.

Saraakiisha Booliska degmada Cabdi Casiis waxay sheegayaan in ay qabteen tobanaan dumar uurleh kuwaas oo damcay in ay ku dhalaan xeebta kadibna ilmaha aaba la’aanta ah ku daadiyaan badda!.

Taliyaha oo Hoteel kuyaal degmada Cabdi Casiis kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si qota dheer uga hadlay falalka anshax xumo ee kajira magaalada Muqdisho, wuxuu carrabaabay in marka lagaaro gelinka dambe ee maalin kasta  ay xeebta tagaan gabdho kuwaas oo jirkooda ka ganacsanaya waxayna latumayaan rag ubadan qurba joog.

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay goobaha ugu xun ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan  wuxuuna carabaabay laba Hoteel  iyo baarar kuyaal Liido “ciidamada Booliska marwalba xeebta Liido waxay ka aruuriyaan dumar Uur leh oo ilma wacalla ah sida kuwaas oo doonaya in marka ay umulaan ilmaha ku daadiyaan badda taasina waa dambi weyn” ayuu yiri Taliyaha.

Dhacdooyinka yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah in gabdho yaryar lageeyo maqaayadaha Liido kadibna lasiiyo maandooriyayaal ay kamid yihiin shiishad xashiish leh iyo  waxa loo yaqaan Taabuugga kadibna marka ay miir daboolmaan xummaan idilkeed lagu sameeyo.

Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa waalidiinta Muqdisho ku eedeeyay in ay dayaceen gabdhahooda oo marka ay jaamacadaha iyo iskuullada udiraan aan dabagal ku sameyn taas oo keentay in gabdho badan oo waxbarasho lagu ogaa ay aadaan xeebta Liido halkaasna lagu faraxumeeyo oo ay uur xaaraan ah qaadaan.

Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bishii lasoo dhaafay amray in Hotellada Liido la xiro marka lagaaro lix saac habeennimo arrinkaas oo qeyb weyn kasii qaadanaya faafinta fasahaadka.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Taliyaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com