Dacwaddii ay DFS ka gudbisay BADDA oo la helay iyo arrin halis ah oo ku jirta

By Asad Cabdullahi Mataan

Dacwadda DFS u gudbisey Hague waa mid lagu tirtirayo Law no. 37, laguna xagal daacinayo Baarlamaanka Soomaaliya?

Maxkamadda Qaramada Midoobey (QM) ee Hague ayaa website-keeda ku daabacday dacwaddii Xadka Badda ee ay u gudsatey Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taas oo ka kooban 17 bog, oo la sheegay in laga dacwoonayo Kenya oo ay sheegeen in ay bad ku haysato.

Laakiin marka la dhuuxo qoraalkaas waxaa kasoo baxaya in dacwaddaasi ay dan u tahay Kenya, in lagu tirtirayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37, in lagu tirtitayo diidmadii baarlamaanka Soomaaliya diideen is-afgaradkii, in la tirtirayo go’aankii golaha wasiirada DFS ay ku sheegeen in aan laga tanaasulin Law no. 37. Arrimahaas waxaa cadaynaya qodobadan:

– Qoraalka dacwadda ah ee DFS waxaa lagu qeexay in uu jiro MURAN (the dispute) badeed. Taas oo ah wixii Kenya ku taamaysey in ay muran geliso badda Soomaaliya, ee ay soo bilaabatay 2009 xilligii DFKG ahayd ee ay hoggaaminayeen Shariif iyo Cumar C/rashiid. Waxaase nasiib darro ah in qoraalka DFS aan lagu xusin in murankaas iyo is-afgarkii MoU ay diideen baarlamaankii Soomaaliya August 1, 2009, kana dhigeen in aan la cuskan karin..

– Waxaa ka sii daran in qoraalka lagu qoray in ay jirto dhul-badeed is-dhex galaya (ovelap) oo ay leeyihiin Soomaaliya iyo Kenya. Sidee caqliga fekerayaa ku keeni karaa in uu yiraahdo dhul-badeed-kayga ayaa waxaa dul saaran dhul badeed dal kale ee hanaloo gar naqo. Yaa taasi dan u tahay.

isdulsaar

saxiixa-beyle– Waxaa DFS ay qoraalka meel kaga xustay in Kenya ay hadda ku doodeyso in xarriiqda kala qaybisa badda labada dal u soo qaloociyo xagga Soomaaliya, taas oo DFS intaas raacisey in Kenya aysan sidaas hore u sheegan jirin. Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay haddii ay sheegashada Kenya tahay mid cusub, maxaa kugu kallifaya in aad tiraahdid badda Soomaaliya iyo badda Kenya waa isdhexgashan yihiin ee hanaloo gar-naqa.

– Khariidadaha la raaciyey dacwadda DFS waa kuwii ay samaysatay Kenya. Ma jiro khariidado ay Soomaaliya samaysatay oo ku lifaaqan dacwadda. (Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Ka warran haddii miiska dacwadda lagu qaadayo aadan waxba soo dhigan, balse soo saartid wixii qofka kugu mudiciga ah oo kaliya, maxaa laguu xakumayaa.”)

– Waxaa cad in si qayaxan loo tirtirayo Xeerkii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee soo baxay 1972. Xeerkaas oo dhigaya in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 200 mayl-badeed.

– Waxaa markaas dhul-badda Soomaaliya (Territorial Waters) si qayaxan loogu soo koobayaa 12 mayl-badeed, taas oo qoraalka dacwadda ah uu ku celcilanayo in dhul-badeedka Soomaaliya tahay 12nm. Ayadoo gebi ahaanba la iska in dhaasabayo xeerka Law No. 37. Balse kasii darane lagu xusay qoraalka in la nasaakhay ama la baabi’iyey dhammaan xeerarkii badda Soomaaliya ee ka horeeyey 1989 (ogow 1972 waa ka horeysey 1989).

– Waxaa qoraalku ku meeraysanayaa erayo iska hor imanaya oo ku saabsan baaxadda aagga loo yaqaan aagga dhaqaalaha (EEZ = Exclusive Economic Zone) oo meel uu ku xusayo in EEZ ay Soomaaliya sheegatay 1989 ka dhigtay 200nm, isla qodobka taas ku xigana uu qoraalku ku andacoonayo in madaxweynaha hadda (ee DFS) oo 30 June 2014 u gudbiyey UN oo uu EEZ-kii gaarsiiyey ama ku fidiyey ilaa 200nm. Sidee isu qabanaysaa halkaasi.

– Waxaa sidoo kale meesha lagu tirtirayaa go’aankii golaha wasiirada DFS ee June 6, 2013 ee ahaa:  Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran (oo ah Law no. 37).

Xamar ayaa nalooku iman waayey

Dawladda Federaalka Soomaaliya dacwadda ay u gudbisey Hague waxay ku sheegtay in ay ka quusatay in wadahadal ay Kenya la yeeshaan in lagu dhamaystiro arrinta xadka badda.

Waxaa qoraalku xusay in wadahaladii ugu dambeeyey ay ahaayeen bilihii March iyo July oo lagu qabtay Nairobi. Waxaana kulankii ugu dambeeyey ee July 2014 ay Kenya soo jeedisey in kulan kale lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalku sheegay in kulankii Muqdisho ku qabsoomi lahaa 25-kii iyo 26-kii August 2014 in waftigii Kenya aysan soo xaadirin ama ka baaqatay ayagoo aan wax sabab ah bixin, waftigii Soomaaliyana ay ku sugayeen Muqdisho, sidaasna uu ku baaqday kulankii ay Kenya dalbatay, ayaa qoraalku xusay. Sidaas daraadeed ayadoo labada dhinac aysan isu soo dhawaan karin, Kenyana ka baaqatay kulankii u dambeeyey ayaan dacwadan ugu gudbiney Hague, ayaa qoraalku xusay. Waxaana DFS ay dacwadda gudbisey 28-kii August 2014.

Taas waxaa ka soo hor jeeda hadal uu sheegay Qareenka Guud ee Kenya Attorney General Githu Muigai oo Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi khamiistii (August 28, 2014) u sheegay in labada dal (Kenya & Soomaaliya) ay arrintaas ka heshiiyeen, uuna la yaabay markii Soomaaliya is bedeshey.

Mr. Githu Muigai waxa uu yiri “Marka hore waxaa jira muran ka taagan qalfoofka qaaradda ee badda, kaas oo arrintiisa ay September 3, 2014 magaalada New York ku dhagaysanayaan guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan sharciga badaha. Waana wixii ka durugsan Territorial waters-ka.”

Mr. Muigai oo hadalkiisii sii watey ayaa yiri “Kenya iyo Soomaaliya arrintaas qalfoofka qaaradda (Continental shelf) waxay ka gaareen heshiis, heshiiskaasna waxaa loo gudbiyey guddiga Xadaynta badaha u qaabilsan Qaramada Midoobay. Laakiin Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diidey in uu ansixiyo heshiiskaas, taas oo sababtay in madaxweynaha Soomaaliya uu qoray warqad uu heshiiskaas kaga laabanayo.

Sidaas oo kale ayaa Kenya markaas waxay warqad u qortay guddiga xadaynta badaha ay ku adkaysanayso in loo aqoonsado xadka ay jeexatay Kenya ee qalfoofka qaaradda ayadoo la sugayo xallinta muranka, ayuu yiri qareenka Kenya.

Halkaas waxa uu shaaca kaga qaaday in Kenya ay haysatey heshiiska xukuumadda, laakiin la mari waayey baarlamaanka. Taas oo ah sir ka qarsoonayd shacabka iyo DFS ay heshiis hoose la gashay Kenya, laakiin baarlamaanku diidey in uu ansixiyo.

Sidoo kale warbaahinta Kenya oo ka hadlay dacwadda Soomaaliya u gudbisey Hague ayaa tibaaxay aagga dacwaddu ku saabsan tahay in ay tahay meel laga yaabo in ay qani ku tahay shidaalka. Jariidadda Daily Nation waxay qortay “Kenya oo ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya ilaa 2011 ayagoo markii hore weerartay, markii dambena ku biiray AMISOM waxa ay sheegatay (Kenya) baaxad badeed oo ka badan 100,000 square kilometres taas oo Muqdishona ay sheegatay, ayey qortay jariidadaddu.

Gabagabadii

Haddaba marka la dhuuxo dacwadda DFS u gudbisey Hague (oo laga daalacan karo halkan), waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed ay rumaysan yihin in:

1. Hadii Soomaaliya laga xakumo, waxaa Kenya u xalaaloobaya dhul-badeedkii ay muranka gelisey oo ka badan 100,000 Kiilomitir oo laba jibbaaran. Waxaa taas dheer in Soomaaliya ay waayeyso 97% xuquuqdeeda Dhul-Badeed keeda (territorial waters) waayo sida kor ku cad waxaa la tirtirayaa Law no. 37.

2. Haddii Soomaaliya loo xakumo, markaas Kenya waxba kama khasaarin. Laakiin Soomaaliya waxay waayeysaa 97% xuquuqdeeda Dhul-Badeed keeda (territorial waters) mar haddii la tirtiro Law no. 37 oo Territorial Waters lagu soo koobo 12nm. Waxaana markaas dhacaysa in wixii xad gudub ka dhacay 188nm oo badda Soomaaliyeed ah 22sano ee la dhaafay aan cidna loo raacin. (Daawo Video-gan madaxweynaha DFS oo dhahaya waxaa nala yiri baddiina lama yaqaan).

3. Laba jeerba Soomaalida dan uma ahayn dacwaddaasi.

Haddii arrintu sidaas u muuqato, su’aasha hadda taagan ayaa ah maxaa keenay degdega cusub ee DFS ay dacwadda ugu gudbisey Hague? Jawaabta waqtiga ayaan u dhaafnay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale la arki doonee go’aanka uu baarlamaanka Soomaaliya ka qaato arrintan mar haddii la hareer maray baarlamaankaas.

– Halkan ka daalaco dacwadda DFS:  http://www.icj-cij.org/docket/files/162/18362.pdf

dacwadd2

 Warsaxaafadeedka Maxkamadda Hague: http://www.icj-cij.org/docket/files/162/18360.pdf – Somalia institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning maritime delimitation in the Indian Ocean”

– Qoraalka AP: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA? SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18

– from Abdirahman Beileh to UN: http://www.un.org/depts/los/ clcs_new/submissions_files/ ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf

– Waraysiga wasiiradda: https://www.youtube.com/watch?v=ZU9kGOcI9d4#t=1698

– SOMALIA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/SOM.htm

– KENYA: http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/KEN.htm

– Law No. 37: http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

— KTN TV: Video Somalia sues Kenya at the international court of justice over border https://www.youtube.com/watch?v=iGC8JusrtMk

— Daily Nation: Somalia sues Kenya at top UN court over maritime border http://www.nation.co.ke/news/Somalia-sues-Kenya-at-top- UN-court-over-maritime-border/-/1056/2434020/-/4jpvppz/-/index.html.

Faafin: Somalitalk.com