Dad isku qoys ahaa oo lagu laayey duleedka degmada WARSHEEKH + Magacyada

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo, Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh, waxaana maleeshiyaadkan ay rasaas ku fureen illaa 4 qof oo isku qoys ahaa.

Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Si kastaba, falkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taas oo uu dhammeystirkeeda goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.