Sawirro: MUUSE BIIXI oo KULAN xasaasi ah la yeeshay safiirka Denmark + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dalka Denmark u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. Steen Sonne Andersen.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo nabad-gelyada oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladu.

Sidoo kale wuxuu u sheegay inay u diyaar yihiin hirgelinta hanaanka dimuquraadiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ay sanado badan kusoo caano maashay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in kulankaan lagu lafo-guray “sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.”

“Wafdiga dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.”

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehlinayaan ku-xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.