Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo mudo shan cisho ah internet la’aan baahsan ay ka jirto ayaa waxaa Muqdisho laga dareemayaa sameyn ka dhalatay qad la’aanta, waxayna taasi keentay in howlihii ku xirnaa Internetka ay gebi ahaanba joogsadaan.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dhalinyaro badan oo qabitimay isticmaalka Internet-ka gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook, Snapchat, Instagram iyo fiirsashada Youtube-ka ay ka qeyliyaan qad la’aanta, halka qaarkood ay u raadsadeen magaalooyinka uu ka shaqeynayo Internetka sida Hargeysa iyo Puntland.
Dhalinyaro badan oo howlo badan ugu xiran qadka Internet-ka ayaa u socdaalay Hargeysa si howlahooda u kala joogsan, halka qaarkood ay yihiin kuwo qabatimay isticmaalka Inter-ka.
Dhanka kale, shirkaddaha xawaaladaha, hay’addaha warbaahineed iyo kuwa tikidhada ayuu saameyn ballaaran ku yeeshay qad la’aanta Muqdisho ka jirto, walow shirkadda Hormuud iyo Global ay dib ugu laabteen qadadkii hore u istcimaali jireen oo ah kawa daciif ah.
Dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ayaa shaacisay in mudo todobaad ah uu sii maqnaan doono qadka internet-ka ee xooganaa, taasoo niyad jabisay dad badan oo isticmaali jiray.
Maqnaanshaha qadka Internet-ka ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay warbaahinta gudaha, dibada iyo baraha bulshada ku xiriirto oo sidii hore aysan aheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

