Dad shacab ahaa oo lagu dilay duleedka BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Dadka lalaayey oo beeraley ahaa ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku dileen kooxo hubeysan oo ku sugnaa inta u dhexeysa deegaanada Burdhiile & Kabxaanley.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, siday ay inmoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada Booliska gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay ku raad-joogaan maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi.

Lama oga sababta rasmiga ee ka dambeysa toogashada loo geystay dadkaasi shacab ah, basle waxaa gobolka Hiiraan ku soo laa laabta dilal la xariira aanooyin Qabiil.