Xubnaha Puntland ugu jira DF oo tusaale siyaasadeed siiyey kuwa beelaha Hawiye

Dhammaan xubnaha maamulka Puntland ugu jira dowladda federaalka, sida xildhibaanada iyo wasiirada ayaa Jimcihii gaaray magaalada Garoowe oo uu ka furmayo shirka wada-tashiga Puntland ee uu ku baaqay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Waxaa xusid mudan in ujeedka shirkan Deni ugu baaqay ay tahay sidii ay Puntland uga tashan lahayd aayaheeda, kadib markii uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah “inay carqaladeyn iyo dagaal kula jirto maamul goboleedyada dalka oo Puntland ay ka mid tahay.”

Ka-qeyb galka xubnaha dowladda ee shir ujeedkiisaba yahay sidii Puntland uga tashan lahayd dowladda ay xubnaha ka yihiin, waxay muujisay sida xubnaha Puntland ugu jira dowladda ay u gudanayaan shaqadooda ah mataaladda danta Puntalnd. Ogow, haddii dowladda dhexe ay dhibaato ku hayso deegaankooda oo sharciga ay ku xadgudbeyso waa ku saxan yihiin inay ka dhiidhiyaan.

Hase yeeshee tegitaankooda Garoowe, waxay sidoo kale farriin u dirtay oo ay cashar siyaasadeed u dhigtay xubnaha dowladda ugu jira beesha Mudulood ama guud ahaan Hawiye, oo ay tahay inay fahmaan qodobadan.

1 – Ma ahan ceeb, dambi ama dowlad dumin inaad adiga oo xubin ka ah dowladda dhexe aad sidoo kale ka shaqeyso danta qabiilka aad matasho. Xusuuso, dowladda federaalka waxay ku dhisan tahay nidaam qabali ah, oo qof kasta oo xubin ka ah wuxuu matalaa qabiil, sidaas darteed inaad raadiso danta kuwa aad matasho, adiga oo aan dowladda dumin, waa waajib.

Xildhibana Mahad Salaad oo arrintan ka hadlaya wuxuu yiri “waxaan waydiin lahaa wasiirada Hawiye ee Nabad iyo Nolol caqiido in ay tahay aaminsan, suurtogal ma tahay in aad dadkiina soo dhex gashaan, shirarka qaraabadana ka soo qayb gashaan, aragtidiinana ka dhiibataan, kana waantoowdaan kala furfurka iyo baajinta shirarka beesha ee maalin walba la idiin adeegsanayo, una dhaqantaan sida dhiggiina reer Puntland?!

2 – Casharka labaad ee arrintan laga baran karo ayaa ah “muhiimadda isku duubnida”. Haddii aysan wakiilada Puntland ee dowladda dhexe isku duubneyn, waxay madaxda dowladda awood u yeelan lahaayeen inay qaarna lacag ku furfuran qaarna xil-ka-qaadis ugu hanjabaan. Hase yeeshee maadaama hadda ayaga dhan hal mowqif ay ku wada taagan yihiin kaasi ah “Hormarinta danta Puntland”, waxaan jirin wax ay habayaraatee dowladda dhexe ka qaban karto.

3 – Shirka Garoowe wuxuu sidoo kale muujinaya in madaxda dowladda dhexe, ee ka xadgudbaya dastuurka iyo sharciga dalka, looga adkaan karo oo kaliya isku duubni. Halka dowladda ay isku dayday inay baajiso shirkii Mudulood ee Muqdisho, ayada oo adeegsaneysa awood iyo laaluushka siyaasiyiin caado qaatayaal ah, waxaa taa bedelkeeda warbaahinta qaranka laga baahiyey tegitaanka Garoowe ee wafdiga dowladda ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda. Haddii Mudulood, aysan ku jirin odayaal iyo siyaasiyiin laga masruufo Villa Somalia, iyo wasiiro iyo xildhibaano cabsi darteed aan xitaa hadli karin, waxaan shaki ku jirin in dowladdu sidaas oo kale u ixtiraami lahayd.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid