Natiijada baaritaanka lagu sameeyey Donald Trump ee Coronavirus oo la shaaciyey

New York (Caasimada Online) – Natiijada baaritaankii lagu sameeyey madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la shaaciyey, iyadoo laga waayey cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo haatan fara ba’aan ku hayo dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Dhaqtarka gaarka ah ee ka howlgala madaxtooyada Mareykanka, Sean Conley ayaa xaqiijiyey in astaamaha cudurka laga waayey madaxweynaha.

“Galabta waxaa isoo gaaray war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha.” ayuu warbixin qoraal ah ku yiri Sean Conley.

Baaritaanka lagu sameeyey Trump ayaa yimid, kadib markii wafuud ka socotay dalka Brazil oo uu todobaadkii hore kula kulmay Flodrida laga helay cudurka Coronavirus.

Trump ayaanan is-karantiilin kadib shirkaasi, isagoo ku doodayey in uusan qabin astaamaha cudurkaasi, balse kadib markii su’aalo badan lagu weydiiyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee wadanka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay inuu is baarayo.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu sameeyey Coronavirus oo ka soo bilowday Shiinaha,  iyadoona dowladdu shacabkeeda ay kula talisay in qofkii la kulmay ama taabtay qof la xaqiijiyey in uu ku dhacay cudurka ay tahay inuu is-karantiilo 14 maalmood.