Saciid Deni oo si kulul uga hadlay khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka wadatashiga ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Deni oo khudbaddiisu ay taabaneysay dhinacyo badan ayaa wuxuu ku soo qaaday khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Puntland ay xooga saartay xalinta khilaafkaas, balse dowladdu ay diiday.

Sidoo kale wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyey inay baal-mareen habkii lagu heshiiyey, laguna lagu dhisay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in madaxda dowladda dhexe ay isku dayayaan inay qaataan awooda dhan, siduu hadalka u dhigay.

“Waxaan xooga saarnay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya DF & Puntland ,waxaana ka hadalnay arrimaha caqabadaha nagu ah,balse wax walba waxaa ay ka socon waayeen Madaxda dowladda Federaalka oo hareer maray qorshihii lagu dhisey dowladda iskuna dayay inay awooda dhan qaataan.” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dib u eegi doonaan xiriirka sii xumaanaya ee haatanPuntland kala dhexeeyo dowladda, haddii aysan la imaan isbedal dhab ah.

Shirweynaha Garoowe ee maanta furmay oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.