Wasiir Cawad oo arrin lagu tuhmo Puntland ka sheegay shirka Garoowe, si adagna ula hadlay Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuuda Dowladda Federalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga Puntland, ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in tabashadooda ay u gudbiyaan si walaalnimo ah oo aan waxyeelayn wadajirka Soomaaliya.

Cawad ayaa sheegay in mararka qaar ay dareemaan tuhun ah in Puntland ay si gooni ah wax u rabto, iyada oo sheegeyso inay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay ka rajeynayeen in Madaxweyne Deni uu yimaado Magaalada Muqdisho.

“Marmarka qaar waxaan dareennaa in Puntland ay si gooni ah wax u sheeganeyso oo ay leedahay hooyadii federaalka ayaan nahay; hooyadu ilmaheeda ayey u roonaan jirtay, Puntland waxa laga filayaa wax weyn oo wax tara dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo Puntland ku bogaadiyey horumarka ay gaartay.

Wasiir Cawad ayaa shirka ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay usoo dhiibtay farriin ku aadan inay Puntland soo gudbiso cabashada ay qabto, si xal looga gaaro balse laga fiican yahay in Khilaafka la gaarsiiyo meel aan waxba laga qaban karin.

“Madaxda Puntland waxaan ka rajeynaynaa in caqabadaha ay Dowladda Federaalka ka tirsanayaa inay ku gudbiyaan si walaalnimadii iyo wadajirkii Soomaaliyeed aan wax yeelayn. Madaxweynaha Soomaaliya annagaa ka wakiil ah, waxaan ku baaqeynaa in kalsoonida la xoojiyo, Dastuurka iyo arrimaheenna kale ka wada shaqeyno. Waxaan madaxda Puntland ka codsanaynaa in la xoojiyo kalsoonida, oo aan idaacadaha wax laysu marin,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Wuxuu wasiirka sheegay in dowladda federalku aad u dananayso in mar un madaxweyne Deni uu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo la dhiso kalsoonida wadashaqaynta dowladda federalka iyo Puntland.

“Diyaarad walbo oo nasoo dul marta waxaanu dhahnaa armuu saaran yahay Deni, waana daalnay sidaan kuu sugaynay, marka Madaxwayne waan rajaynayaan inaad Muqdisho inoogu timaado,waayo waxaa nagu jira tuhun ah inaad si gooni ah wax u rabtaan ayuu yiri,” Wasiir Cawad.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadii furitaanka shirka wada-tashiga Puntland ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay wax kasta maroorsadeen oo ay awood ku maquuninayaan maamul Goboleedyada, taasoo aan u soconeynin, sida uu yiri.