DF oo ka mamnuucady in ay dalka soo galaan dadka ka imanaya afar waddan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday dadka ka imanaya afar dal oo ka mid ah kuwa uu sida ba’an ugu faafayo cudurka Coronavirus inay soo galaan dalka.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya, oo ku taariikheysan 10-ka March ayaa lagu mamnuucay inay dalka Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaya dalalka Shiinaha, Talyaaniga, Korea-da Koonfureed iyo Iran.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu mamnuucay inay dalka soo galaan dadka dalalka kale kasoo jeeda balse soo mara afartaas dal 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey.

Afartan dal ayaa kuwa ugu xun ee cudurka Coronavirus uu saameeyey, waxaana hadda ugu darran Talyaaniga, Iran iyo Korea-da Koonfureed, halka Shiinaha uu u muuqdo inuu inta badan la tacaalay xanuunkan.

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in looga hortago in cudurka Coronavirus uu ku faafo Soomaaliya.

Dhammaan shirkadaha diyaaradaha ayaa loogu baaqay inay u hoggaansamaan amarkan.