Dadka Dambiyada galla Somalia oo si fudud loo ogaanayo

Muqdisho (Caasimada Online)Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay iney keeneyso qalab sahlaya in si fudud loo ogaado dadka dambiyada gala ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/Welli oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dhawaan qalabkaasi keesaneyso.

Wuxuu sheegay iney sahlanaan doonto ogaanshaha ruuxa dambiga galay, laakiin faahfaahin buuxda kama uusan sii bixin qalabkaasi iyo wuxuu yahay.

Afhayeenka ayaa cadeeyay in qalabkaasi uu wax badan ka qeyb qaadan doono sugida amaanka dalka Soomaaliya oo muddo badan dilal ka dhacayeen.

Agabka ay xukuumada la imaaneyso ayuu sheegay inuu yahay kuwo ay adeegsadaan dunida hormartay laguna ogaado dadka iyo dambiyada ay galeen.

Halka laga keenayo iyo cidda ka saacideysan ayuusan sheegin afhayeenka xukuumada Soomaaliya, laakiin wuxuu qiray in amniga uu wax badan ka qaban doono.

Xabsiyada magaalada Muqdisho waxaa ka buuxo dad dambiyo kala duwan lagu eedeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com