SAWIRRO: Xukuumada Somalia oo ansixisay sharciga la dagaalanka Argagixisada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye, ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.

Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka aragaxisada oo ka mid ahaa shuruuc ay xukuumadii hore dib uga soo celisay golaha Barlamaanka, sharcigan ayaa maanta goluhu si buuxda u ansixiyeen, iyadoo lagu salaynaayo baahida amniga ee waqtigaan la joogo dalku ku sugan yahay iyo halista argagaxisadu ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisda.

“Sida la socotaan waxay argagaxisadu halis ku tahay nabadgalyada gobolka iyo mida caalamka oo dhan. Argagaxisadu waxay caado ka dhigteen falal waxashnimo ah oo lidi ku ah dadka rayidka ah iyo qalqal-galinta horumarada kala duwan ee dalka ka jira, iyaga oo ka soo horjeeda xaqa qofka Soomaaliga ah u lee yahay inuu sameeyo horumar. Waxay weeraro joogta ah ku qaadan goobaha shacabku dagan yahay, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka go’an iney gacan adag uga hortagto falalka ay gaysteen kooxaha xagjirka ah.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu.

Wasiirka amniga gudaha oo dhankiisa ka warbixiyey amniga dalka, ayaa sheegay in dowladu muujinayso feejignaan marka la fiiriyo dhibaatoyinka ka jira dalka Yemen, taas oo suurtagal ka dhigi karta iney Soomaaliya u soo talaabaan kooxaha xagjirka ah, iyo in dalka ay soo galaan hub sharci daro ah.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, ayaa ka warbixiyey safar ay ku tageen magaalada Kismaayo isaga iyo madaxa ugu sareeya Hay’ada Qaxootiga Aduunka Antonio Gutteres, waxayna ka wada hadleen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, iyo kuwo dalka dibadiisa ka soo noqonaya, sidoo kale wasiirka ayaa sheegay iney isla soo qaadeen sidii gacan ban’iadanimo loogu fidin lahaa qaxootiyada ka soo barakacaya dalka Yemen ee soo gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.
1

2

3

4

5

6