Odayaal dacwad ka ah Shariif Xassan oo la kulmay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn uu halkaasi ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Gobolada Koofur galbeed ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka kulanka uu ahaa mid ay Odayaasha dacwad ka dhan ah Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia ugu gudbinayeen Madxaweyne Xassan.

Odayaasha oo tiro ahaan gaaraya ilaa 8 Oday ayaa waxa ay Madaxweynaha u sheegen in Shariif Xassan uu damacsan yahay in Gobolada iyo Degmooyinka Gobolka uu u magacaabo shaqsiyaad u badan kuwo aan deegaan ahaan kasoo jeedin Deegaanada Koofur galbeed, waxa ayna Madaxweynaha ku wargaliyeen in dhibka ka dhashay mas’uuliyadeedu ay qaadi doonto DF Somalia.

Madaxweyne Xassan ayay u cadeeyen in Shariif Xassan ay isku dayeen inay arrintaasi kala xaajoodaan balse nasiib daro uu ku gacanseeray inuu la fadhiisto.

Madaxweyne Xassan oo dhageystay dacwadaasi, ayaa waxa uu Odayaasha u balanqaaday in DF Somalia ay ka hortagi doonto dhib ka dhasha dadaalada lagu doonaayo in isbedel lagu sameeyo Maamulada iminka gacanta ku hayo Gobolada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulka Koofur galbeed.

Waxa uu u sheegay in Maamulka uusan ku dhaqaaqi doonin talaabo aysan la socon DF gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Cali Yarow oo kamid ahaa Odayaashaasi ayaa kulanka kadib sheegay in Madaxweyne Xassan ay kala hadleen dhibka ay kala kulmayaan Shariif Xassan, waxa uuna sheegay in Madaxweynuhu uu balan qaaday in dacwadooda uu wax muuqda ka qaban doono.

Yarow ayaa meesha ka saaray in Shariif Xassan uu Goboladaasi iyo Degmooyinkaasi u magacaabi doono dadka Deegaanka waxa uuna carabka ku dhuftay in dadka loo magacaabi doono ay kamid yihiin Seddex Mas’uul oo ay wadato Ethiopia, asal ahaana aan kasoo jeedin Gobolka.

Dhanka kale, waxa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabo lidi ku ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed waa hadii uu la imaado shaqsiyaad aan deegaan ahaan kasoo jeedin Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com