Dadka degan Lamu oo kasoo horjeestay go’aankii lagu xiray sohdinta Soomaaliya

Lamu (Caasimada Online) – Dadka Kenyaanka ah ee ku dhaqan Gobolka Lamu ayaa si weyn u diiday go’aanka dowladda Kenya ay khamiistii ku xirtay sohdinta Somaliya iyo Kenya gaar ahaanna qeybta Lamu.

Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in labada dad ee ku kala nool sohdinta labadeeda dhinac aysan marna kala maarmin.

Go’aanka dowladda Kenya ayey ku sheegeen in uu yahay mid lagu deg degay islamarkaana aan waxba laga weydiin dadka degaanka.

Waxaa ay ku doodayaan in bulshada labada dhinac isaga xiranyihiin nolosha aasaasiga ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, Dukaameysiga, Guurka iyo wixii la mid ah.

Suleiman Bunu,oo ka mid ah Ganacsatada Lamu ee dhinaca Soomaaliya uu ku tiirsanyahay Ganacsigiisa ayaa ku dooday in arrintan ay waji gabax ku tahay dowlada.

Abdalla Baabad, isna ka mid ah Kooxda gooni u goosadka ee MCA ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Raas Kambooni iyo Kiunga ay noloshooda isku xirantahay dowlada Kenyana qaatay go’aan aysan ka fiirsan.

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhaq dhaqaaqa dadka labada dhinac, iyada oo sheegtay in amnigeeda ay sugeyso inkasta oo go’aankan xiriir la leeyahay khilaafka dhinaca badda ee labada dal hadda u dhaxeeya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com