Laba qaraxyo xooggan oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba Qarax oo xooggan ayaa waxay ka kala dhaceyn Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka ee Soomaaliya xilli uu Maanta kulan lahaa Golaha Shacabka.

Xilliga uu qaraxa dhacayay waxaa soo xirmay kulanka Golaha shacabka ee Soomaaliya waxaana ay xillibaannada isu diyaarinayeen in ay ka baxaan Golaha.

Ciidamada ku sugan Isgoyska Sayidka ayaa cabbaar rasaas ku riday Gaariga qaraxa waday inkasta oo uu markii dambe qarxay.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku xoomay goobta iyada oo ilaa hadda aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka maanta.

Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay Koontaroolka Jidka Garoonka Aadan Cadde ee u dhow Isgoyska Nambar afar.

Sida dad goob joogayaal ah ee ay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, qaraxa ka dhacay Koontaroolkaas ayaa imaaday kadib markii Baabuur Noha ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu damcay inuu ka gudbo halkaas.

Sida wararka sheegayaan ninka waday gaariga ayaa kasoo dagay, wuxuuna Ciidamada u sheegay inuu doonayo garoonka balse intii uu wadahadalka socday ayaa waxaa jug qarax loo maleenayo inay Batriga tahay laga maqlay gaarigiisa taasoo keentay inay Ciidamada Dowladda rasaas la dhacaan Gaariga.

Gaariga ayaa markii dambe qarxay, waxaana qaraxaas laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyada ka dhacay Muqdisho, ilaa haddana lama hayo tiro rasmi ah.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com